Macalin Conte Oo Ka Hadley Mustaqbalka Sanchez Xili Arsenal Uu Siiyey Talo Aad Cajiib U Ah

Mid kamid ah, waxyaabaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ugu hadalheynta badan ayaa waxay tahay sheekada ku aadan in Sanchez uu ka tagayo Arsenal, islamarkaana uu ku biirayo midkood Man United iyo Man City

Sikastaba, waxaa arrinkaas wax laga weydiiyay maamulaha Blues, ee Antonio Conte, kaasoo sheegay in wiilkaan uu isku deyay inuu lasoo wareego markii uu ku sugnaa Barcelona, islamarkaana uu isaga macalin u ahaa Juventus

Sidoo kale, Conte oo la su’aalay hadii xidigaan uu ku biirayo bishaan Janaayo midkood Man United iyo Man City ama meesha uu aadi karo, ayaa wuxuu sheegay in taasi ay fiicnaan lahayd in Isaga la weydiiyo.

Wuxuu yiri: “Markii uu joogey Barcelona ayaa waxaan ku iri, Hello, waxaana hubaa inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan oo tayo fiican leh, aad ayaan hubaa inuu yahay mid la aamini karo.

Mar la weydiiyay meesha ama kooxda uu aadki karo Sanchez ayaa wuxuu yiri: “Ma aqaan, kooxda ama meesha uu aadi karo, waaa inaan isaga weydiisaa.

Wuxuu intaas ku darey: “Waxaad kaloo weydiisaa hadii uu dookhdey meel kale iyo hadii uu rabo inuu Arsenal sii joogo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Iyaga [Arsenal] waa inay go’aamiyaa mustaqbalkiisa ka hor bisha June, sababtoo ah waa mustaqbalka kooxda.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close