Macalin Gidaamow Hanaanka Kooxda Heegan Wax Ma Ka Badalay Haa/Maya?

Hogaamiyaha naadiga Heegan Axmed C/raxmaan Cumar (Gidaamow) ayaa bishii November waxaa markale loo magacaabay leeliyaha kooxda Heegan,isagoo xilkaan kala wareegay macalinkii hore reer Nigeria Felx Nwsou oo kooxda horkacayay October ilaa November sanadkii hore 2016.

Gidaamow ayaa markii uu kusoo laabtay shaqada kooxdiisa hore Heegan ciyaaray 10-kulan oo horyaalka Soomaliya 2016-2017 waxa uu badiyay 5-kulan,waxa uu barbaro galay 3-kulan,halka uu qasaaray 2-kulan isagoo qasaaradaas kala kulmay kooxaha Horseed iyo Bariga Dhexe.

waxa uu ka badiyay kooxaha loolanka adaga ugu jira ku gulaysiga Horyaalka Soomaliya ee kala ah Banaadir SC,Jeenyo.Gaadiidka,halka Dekedda iyo Elman oo barbaro la galay.

Aragtidaada ku cabir hadii aad tahay taageere Heegan ama taageere oo kale oo taageera kooxaha kale ee dalka.

FG:-Macalin Gidaamow Malaga yaaba in sameeyo hanto Horyaalka Soomaliya 2016-2017 oo hada loolan adag maraya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close