Macalin Horey U Soo Maamulay Real Oo Si Kulul U Canaantay Zidane Kadib Bixitaankii James

Vicente del Bosque, Tababarihii hore ee Real Madrid iyo Xulka qaranka kubadda cagta Spain ayaa wuxuu ka hadlay ka tagitaanka kooxdaan ee laacibka caanka ah ee James Rodriguez oo ku biiray Naadiga Jarmalka ka ciyaarta ee Bayer, Wuxuu sheegay in Macalinka Real ee Zidane uu ku qaldanaa inuu James ka Fasaxo kooxda, islamarkaana aan loo baahneen inuu go’aan kaas qaato, isagoo muujiyay sida uu xiddigaan lama maarmaar ugu ahaa Los Blancos.

“Madooneyn inaan ka hadli arimahaan, balse waxaan sheegayaan bixitaanka James, ay caqad ku noqon doonto Kooxdaan,” ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalladda Calvia

“Inaan haysato xiddigo badan waxay ku siineysaa inaad wanagsanaato, marka hadda macalinka ma haysto xiddigo badan, mana aheyn inuu iska fasaxo James,” ayuu hadalkiisa kusii daray Macalinkii hore ee Real, Vicente del Bosque.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close