Macalin Jose Oo Calaamadeystay Saxiixiisii kowaad Marka Uu Noqdo Macalinka Man United

Jose Mourinho

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu keeno xiddiga khadka dhexe ee reer Holland Wesley Sneijder kooxda Manchester United haddii loo magacaabo tababaraha cusub ee Old Trafford sida ay qortay jariirada The Sun.

Madaxda United ayaa durbaba ka arinsanaya magacaabista Special One kaasoo isbuucii hore laga ceyriyay kooxda horyaalka heysata ee Chelsea.

Mourinho oo 52 sanno jir ah ayaa aaminsan in Sneijder uu noqon karo xiddiga ciyaarta bedela ee ay u baahan tahay United.

Xiddiga khadka dhexe ayaa fure u ahaa kooxda Inter Milan ee Yurub qabsatay sannadii 2010 ee uu hogaamiyay Jose Mourinho iyagoo ku guuleystay Champions League, Serie A iyo Coppa Italia.

Sneijder ayaa ka tagay Inter bishii Janaayo 2012 isagoo ku baxay heshiis 8.4 milyan ginni ah oo ugu wareegay kooxda Turkiga ee Galasaray.

Laakiin haatan kuma faraxsana Galatasaray waxaana ku haboonaan lahaa kooxda Mourinho ee Man United, qof caan ka ah qolka labiska, qof u sheegi kara kooxda inteeda kale sida uu tababaraha u fiican yahay iyo qof sidoo kale ay ka daadegto shaqada uu Mourinho doonayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close