Macalin Louis Van Gaal oo laga ceyrin doono Garoonka Old Trafford

Kooxda Manchester United ayaa la soo warinayaa iney ceyrin doonto Macalinkeeda Louis Van Gaal haddii ay kooxda guul darro ka soo gaarto kulamada ay la ciyaari doonto Newcastle United iyo Liverpool toddobaadkan.

Jariirada Sportsmole ayaa sheegeysa in Macalin Van Gaal ay u badan tahay in Kooxda laga ceyriyo marka uu ku guul dareysto inuu natiijo wanaagsan u keeno Kooxda labada kulan ee soo socda.

Manchester United ayaa guuleystay 2 kulan oo kamid ah 10 kulan ee ugu dambeysay waxana arintasi lagu dhaliilay Macalin Van Gaal.

Kooxda Red Devils ayaa bishan Janaayo ku bixineysa Suuqa kala iibsiga lacag dhan 200 oo Milyan.

Related Articles

3 thoughts on “Macalin Louis Van Gaal oo laga ceyrin doono Garoonka Old Trafford”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close