Macalinka Barca Oo Kashifay Heerka Ay Gaarsiisan Tahay Kalsoonidda Uu Ku Qabo Messi

Maamulaha kooxda ka dhisan Magaalada Barcelona, ee dalka Spain, ayaa wuxuu sheegay in Messi uu rajeynayo inuu ka qeyb qaato, uuna kaalin weyn ku yeesho guulaha ay gaari doonto camaaliqadda Horyaalka La Liga.

Wuxuu sheegay in Messi uu ku kalsoon yahay inuu wax badan uqaban doono Kooxdiisa, islamarkaana ay daliil utahay waxii uu sameeyay habeenkii xalay ahaa kadib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay Los Blancos.

Barcelona ayaa waxa habeenkii xalay ahaa, waxay Madrid, kusoo daartay Koobka ICC, kadib ciyaar ka dhacday Magaalada Maimi, ee dalka Mareykanka, waxaana ay ciyaarta kusoo dhamaatay 3-2.

“Waa xiddig weyn, wuxuu kamid yahay qorshaha aan ku duulaan tagayo, xagaaga cusub, waxaana rajeynayaa inuu goolul badan na gaarsiiyo,” ayuu usheegay Ernesto Valverde, wariyaasha kadib kulankaas maamulaha Barca.

Image result for Messi and Ernesto Valverde

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close