Macalinka Koox EPL Ah – “Real Ayaa Sanadihii Ugu Dambeeyay Ugu Fiicneed Caalamka, Barca-na..”

Isagoo wareysi siinayay muuqaal baahiyaha caanka ah ee BeIN Sport, macalinka kooxda kubada cagta Tottenham ayaa wuxuu sheegayaa in Real Madrid, ay ahayd kooxda ugu fiicaneed sanadihii ugu dambeeyay caalamka kubada cagta.

Wuxuu amaan kala dul dhacay maanta Los Blancos, uu ku nuux nuux saday inay qabteen shaqo fiican, isagoona si cad sheegay in dadaalkii ay bixiyeen uu haatan yahay mid ay aduunka oo dhan ay ku qabsadeen.

“Sanadihii ugu dambeeyay Kooxda Real Madrid, ayaa ahayd, kooxda ugu fiican aduunka,” ayuu ku sheegay wareysi xasaasi ah oo uu siiya Talefishinka laga lee yahay dalka Qadar, xaruntiisa dalka Spain.

Ninkaan, hogaamiyaha Spurs-ka, ee Mauricio Pochettino, ayaa wuxuu kaga hor imaan doonaan Boqorada Horyaalka Spain, tartanka Champions League, kulan ka tirsan wareegiisa ama heerkiisa Group-yada dhawaan.

Wuxuu gaarsiiyay Tottenham, sanadii ugu dambeysay heerkii ugu sareeyay oo ay gaarto, isagoona si is daba joog ah, uga soo qeyb gilinayay tartamada ugu waa weyn Qaarada Yurub ee kala ah Champions League iyo Europe League.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close