Macalinka PSG Oo Fariin Digiin Ah Usoo Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka Wareega 16 UCL

Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, ayaa waxay isaga hor imaan doonaan kulan ciyaareed xiiso badan, kaasoo ka tirsan wareega 16-ka ee Champions League, waxaana lugta koowaad lagu dheeli doonaa guriga Real.

Kulankaan oo dhacay bisha soo socota ee Febraayo, ayaa wuxuu kamid yahay kuwa ugu xiisaha badan oo laga dheeli doono wareega 16-ka Champions League, iyadoona waxa xiisaha u yeelaya ay tahay in Neymar, lala xiriirinayo Madrid.

Sikataba, maamulaha PSG, oo ka hor kulankaan wareysi gaar ah siiyay Shabakada Marca ee kasoo baxda wadanka Spain, ayaa wuxuu ku sheegay in ciyaartaan ay diyaar uyihiin inay dagaal adag ay la galaan Los Blancos.

Unai Emery, macalinka PSG ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan lasoo dheelay [Real Madrid] kulamo badan, si fiican ayaan isku naqaanaa, kulankaana wuxuu yahay mid muhiimad gooni ah leh, waxaana sababtey warbahinta.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan isweydiiyey su’aalo badan, waligey uma aanan fikirin si xun, mar walba waan ka hadlaaa dhanka wanaagan, oo aan codsadaa, waxaana mar walba isku arknaa inaan nahay kuwa ugu wanaagsan.

Wuxuu raaciyay: “Waxaan awoodnaa inaan ka sara marno kuwa ugu wanaagsan labada kulanba, waxaana muhiim ah inaan isa saarno masuuliyad gaar ah, taasina ayaa ah waxa ugu muhiimsan kubada cagta hadda, waana filaynaa.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa macalinka PSG: “Waxaan diyaar u ahay inaan horey usocono, waxaan diyaar u ahay inaan hor mariyo xirfadeyda, waxaan rabaa inaan muujiyo inaan ahay macalin wanaag oo aan la guuleyso PSG.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close