Macalinka PSG Oo Hadlay Dhibaatada Real Iyo Hadii Ay Kasoo Laaban Karto Ka Hor Kulanka UCL

Isagoo uwaramayey warbaahinta ka hor kulanka ay la dheeleyso PSG kooxda Amiens, kulan ka tirsan tartanka French Cup ayaa waxaa macalinka PSG la weydiiyay su’aalo ku saabsan xaalada Madrid iyo hadii ay soo laaban karto.

Ladabaan kooxood ayaa waxay isku arki doonaan bisha soo socota ee Febraayo kulan ciyaareed ka tirsan tartanka Champions League, iyadoona kooxda reer Spain ay hada ku jirto xaalad aad u adag, misana aanan awood u lahayn inad badiso.

Laakiin, Unai Emery, ayaa sheegaya in Real ay tahay koox weyn, islamarkaana dhibaatada hada hada haysata ay ka bixi karto, waxaana uu tilmaamay in marka ay iyaga ay ka hor imaan doonaan ay awood gooni ah lasoo bixi doonaa.

Wuxuu yiri: “Waxaan la dheeli doonaa Real Madrid, oo wanaagsan oo aad u fiican, waana hubaa midaas, waxayna kusoo laaban doonaa muuqaal ciyaareedkooda wanaagsan marka ay naga hor imaanayaan, taasina waa mid caadi ah.

Wuxuu raaciyay: “Dhamaan kooxaha waa ay la dhibtoodaa xaaladahaan oo kale, iyo inta lagu jiro xili ciyaareedkan, tani waa xaaladii Real Madrid, waqti xaadirkaan.

“Laakiin waad xasuusataa markii ay Real Madrid ku garaacdey Barcelona Super Cup Spain, xagaagan qof walba wuxuu dhahayey Barca waxay qaadan doonaa xagaagan waqti aad u adag, laakiin hada waa ay xoogan yihiin.

“Waxaa la dheeli doonaa Real Madrid, oo aad u heer sareysa, waana hubaa midaas – Gareth Bale waa uu kasoo laabtey dhaawaca, wuxuuna yahay ciyaaryahan muhiim ah, wuxuuna kooxda siiyaa awood badan.

“Madrid, waxay sare u kaci kartaa waqti walba, sababtoo ah waxay haystaa Zidane oo ah qof khibrad badan ciyaaryahan ahaan iyo macalin ahaa waana mid kooxda dejiya xaalad deganaansho ah

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay mar la weydiiyay hadii Dhibacaha ay ka hooseyo Real Madrid dhigeeda Barcelona oo ah 16 ay keeni karto inay hoos udhigto ayaa wuxuu yiri: “Wax walba waa arki doonaa waana falanqeyn doonaa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close