Madaxwayne Xaaf oo balan qaad Cajiib ah u sameeyay xiddigaha Maamul Goboleedka Galmudug

Waxaa Jimcaha ka furmi doona magaalada Muqdisho tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyadoo shalay la soo saaray isku aadka.

Galmudug ayaa ku jirta Group adag oo ay ku wehliyaan Banaadir iyo Jubaland, balse balan qaadka yaabka leh uu u sameeyay dartii malaha mid sahlan ayuu u noqon doonaa.

Madaxwayne Xaaf oo kulan la yeeshay xiddigaha Galmudug ayaa u balan qaaday laacibkii dhaliya gool 300 oo Doolar, midka goolka soo dhiibayna waxaa lagu abaal marin doonaa 200 doolar.

Wuxuu kaloo sheegay in Goolhayaha hadba abaal marin lagu siin doono sida uu kubbadaha u bad baadiyo isagoona u arka xubin muhiim ah shaqsiga goolka ilaalinaya.

Banaadir iyo Jubaland ayaa lagu furi doonaa tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliy, waxayna ciyaari doonaan Jimcaha halka Galmudug ay kulankeeda furitaanka Insiinta la ciyaari doonto Banaadir.

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close