Madaxweynaha Barca Oo Ka Hadlay Hadii Mascherano Uu Soo Laaban Karo Isagoo Macalin Ah

Madaxweynaha kooxda kubada cagta Barcelona ee Josep Maria Bartomeu, ayaa sheegay inay gacmo furan ay kusoo dhaweyn doonaa Javier Mascherano, hadii uu dib ugu soo laabto naadigiisii hore, isagoo tababare ah.

Mascherano, oo Barcelona, ka tegay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo ayaa wuxuu ku biiray naadiga Hebei Fortune, taasoo ka dhisan dalka Shiinaha, halkasoo kasii wadan doono inta ka dhiman Xirfadiisa kubadda cagta.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu ku nuux-nuux saday Bartomeu, in Mascherano, had iyo goor u ufuran yahay Albaabka Barcelona, islamarkaana ay mar walba tahay Kooxdiisa uuna ku biiriyo Talo iyo Tusaale wanaagsan.

Wuxuu yiri: “Aad ayaan uga murugeysan-nahay inaan lumino ciyaaryahan adiga oo kale ah, waxaana kuu rajeyneynaa wanaag badan iyo horumar inta ka dhiman Xirfadaada cajiibka ah ee kubadda cagta.

“Aad ayaan ugu farax-sanahay inaan nala qaaday 17 koob tan iyo markii aad nooga timid Liverpool waxaana nahay kuwa kuu xiisi doona had iyo goor, waana ku qirsanahay inaad tahay Halyeey,” ayuu sii daba dhigay.

“Javier, tani waa kooxdaada, marka aad dhameyso xirfadaada cusub, waan kusoo laaban kartaa Gurigaaga adigoo macalin ah, waana ku sugeynaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Josep Maria Bartomeu, Madaxweynaha Barcelona.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close