Madaxweynaha Barca Oo Sheegay In Neymar Uu Kaga Tagi Karo Kooxdaan Kalliya Hal Arin

Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Barcelona, ee dalka Spain, ayaa wuxuu sheegay in wiilkooda Neymar ay ku lumin karaa sida uu hadalka udhigay kalliya in la bixiyo qiimaha lagu burburin karo Qandaraaskiisa.

Neymar ayaa waxaa si weyn loo hadalhayaa inuu 222 Malyuun ugu biirayo naadiga ka dhisan caasimadda dalka Faransiiska, ee PSG, iyadoona hadii uu qiimahaas ugu dhaqaaqo uu noqon doono xiddiga ugu qaalisan aduunka.

“Hadii uu Neymar ka tagayo, kooxdeena, waan in naadiga dooneysa ay bixisaa qiimaha lagu burburin qandaraaskiisa,” ayuu Josep Bartomeu, Madaxweynaha Barca usheegay Shabakadda ESPN, oo Spain, kasoo baxda.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Barcelona, ayaa waxaa suurta gal ah inuu ka careysiiyo, taageerayaasha Camaaliqadda dalka Spain, iyagoona uqaadi kara caro midda ugu weyn, maadaama ay jecel yihiin joogitaanka wiilkaan.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Close