Madaxweynaha PSG Oo Ka Hadlay Hadii Kooxdiisa Ay U Gaarsaneyso Xidiga Juve Ee Dybala

Xidiga Juventus ee Paulo Dybala, uma ahan waqti xaadirkaan bartilmaameedka dhanka suuqa ee kooxda Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay Gudoomiyaha ahna Madaxweynaha naadigaan Faransiiska ka dhisan, ee Nasser Al-Khelaifi.

Laacibkaan heerka caalami ee Argentina, ayaa waxaa lala xiriirinayey suurta gelnimada inuu udhaqaaqayo hogaamiyaasha horyaalka Faransiiska, wuxuuna qirtey bishii November, ee sanadkii horey inuu jeclaan la garab dheelistiisa.

Sikastaba, waxaa soo baxayey mudooyinkii dambe inay dhici karto in PSG ay kaga afuubaneyso Dybala kooxaha kala ah: Barcelona, Real Madrid iyo Manchester United, lacago kaash ah, oo ay Miiska u saarto Juve.

Laakiin, Gudoomiye ama Madaxweyne Al-Khelaifi, ayaa sheegadaas beeniyay wuuxuna sheegayaa in 24-sano jirkaan uusan u ahayn kooxdiisa mid bartilmaameed muhiim u ah PSG.

“Runta ayaa ah inay jiraan ciyaaryahano badan oo horyaalka [Talyaaniga] ee Serie A, joogta ma ahan kaliya Dybala,” ayuu usheegay Wargeyska La Stampa, wuxuu intaas ku darey: “Hadii aan xiiseyn laheyn isaga waxaan waci lahayn Juve.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “[Madaxweynaha Juventus Andrea] Agnelli waxaan nahay saaxiibo wanagasan, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in Dybala waqti xaadirkaan uusan meel muhiim ah ugu jirin mustaqbalka PSG .

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa mar la weydiiyey hadii ay jiraan wararka sheegaya inay ceyrinayaa macalinkooda Unia Emery: “Waqti xaadirkaan la joogo waxaan ku farax-sanahay Emery.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close