Home » Africa » Madaxweynaha Soomaaliya oo taageeradiisa ciyaaraha siiyay Kooxda Real Madrid

Madaxweynaha Soomaaliya oo taageeradiisa ciyaaraha siiyay Kooxda Real Madrid

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa warbixin uu siiyay Jariiradda Caanka ah ee Afka Carabiga wax badan kaga qorta ee Sharqul Awset waxuuna halkaasi ku cadeeyey in uu taageero u yahay Kooxda Real Madrid ee ka dhisan Dalka Spain weliba wuxuu ku daray hadalkiisa sii raaciyaya Sidaan “Waxaan taageeraa Real Madrid inkastoo aan ciyaaraheeda daawan tan iyo markii aan madaxweynaha soomaaliya noqday “ ayuu yiri Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Waxa uu Madaxweynaha sugayaa ciyaarta Finalka ama Kama dambeynsta ah ee ay wada ciyaarayaan Kooxaha Juventus iyo Real Madrid tartanka Horyaalka Campions leageu-ga inkastoo kooxda Juventus tahay koox adag balse lagama hordhici karo in Kooxda Real Madrid ay Koobkaasi meel faraago ah si sahlan ku qaadi karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*