In Madrid Ay Ku Wacan Tahay UCL, Hadii Ay Ka Xoogan Yihiin Sidii Hore & Di Maria Oo U Digay Real

Angel Di Maria, xidiga garabka uga dheela PSG, taasoo Arbacadda Real Madrid ku wajihi doonta wareega 16-ka Champions League, ayaa sheegay in Madrid, aanan waxba looga qaadan inaad had iyo goor haysato maamulka kubadda.

Wuxuu aaminsan yahay xidigaan reer Argentina, in sida ay ahayd PSG, xagaagii hore, ay ka duwan tahay waqti xaadirkaan, islamarkaana wuxuu uga digay saaxiibadiisii hore, inay sidaas ay ufikiraan.

Di Maria, ayaa qiray in Real ay ku xoogan tahay mar walba tartanka Champions League, islamarkaana wuxuu faray saaxiibadiisa inay maankooda ay ka saaraan in Los Blancos ay ku dhiban tahay La Liga.

“Real Madrid, waa koox weyn, marka Champions League, astaantiisa ay maqlaan ciyaartoydeeda waa ay isbedalayaan, wayna ku wacan yihiin tartankaan, maxaa yeelay waan tartan leh,” ayuu usheegay website-ka rasmiga ah ee PSG.

Wuxuu raaciyay: “Waa inaan diirada saarnaa isdaafacid, maxaa yeelay Real kuma xukumi kartid kubadda – Laakiin waa inaan la dheelaa kubad dhex-dhaxaad ah, waxaana inaan uciyaarnaa si ka duwan sidii hore.

“Waxaan nahay kuwa ka xoog badan sidii aan ahayn xili ciyaareedkii hore, waxaan helnay xoogaa libaaxyo ah, waana ka tayo fiican nahay sidii hore, waana dheeli karnaa kulamadaan oo kale,” ayuu kusoo gaba gabeeyay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close