Majalada Express Oo Ogaatey Kooxda Uu Mahrez Rabo Inuu Ku Biiro Midkood Arsenal ama Liverpool

Ilo wareedyo ku dhadhow Mahrez ayaa si gaar ah waxay ugu sheegeen Shabakada Express Sport, in laacibkaan uu wada hadal uu la galey saraakiisha ugu sareysa Liverpool, kuwasoo ku aadan usoo wareegitiisa.

Tani ayaa waxay ka dambeysay kadib markii 192 Malyuun oo Dollar ay Liverpool, uga iibisey Philippe Coutinho, dhigeeda Barcelona, waxay u aragtaa Reds in Mahrez uu yahay midka ku haboon bedelka Coutinho.

Laakiin, 26-sano jir Mahrez ayaa wuxuu yahay mid aanan dooneen inuu ku biiro Liverpool, islamarkaana uu aado kooxda ka dhisan Woqoyga London, ee Arsenal, taasoo iyadana aad loola xiriirinayo, sida ay Express aaminsan tahay.

Shabakada Express ayaa rumeysan in Mahrez, uu aad ujeclaan lahaa inuu ku biiro Arsenal, fasal ciyaareedkan, islamarkaana uusan dooneen inuu marnaba ka hoos shaqeeyo macalin Klopp, oo hogaamiyaha Reds.

Balse, meesha ay dhibaatada ka taagan tahay ayaa waxay tahay in Arsenal aysan wali wax xiriir ah aysan kala sameyn Leicester City xiisaheeda Mahrez waxayna dhaawaci kartaa qorshaha ku aadan inuu wiilkaan usoo wareego uu fashilmo.

Sikastaba, hadii aysan Arsenal ka gudbin sida ugu dhaqsiyaha badan Mahrez dalab toos ah, aysana la xiriirin Leicester City, waxaa dhici karta in wiilkaan oo udhashey Algeria, inuu bedalo maskaxdiisa, misana uu dhan kale uweeciyo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close