Man City Oo Kalsooni Ka Muujineysa Saxiixa Alexisa Sanchez,Sidee?

Madaxda naadiga kubadda cagta ee Man City ayaa Kalsooni Ka Muujiyay In uu Shaqsi Ka Caawin Doono In Ay Ku Guulaystaan Saxiixa laacibka weerarka ka ciyaara ee Naadiga arsenal ee  Alexisa Sanchez, suuqa cusub ee xagaaga.

Maamulka Kooxda Man City ayaa ku kalsoon in uu halkan qof u soo xero galin doono saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez Marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Manchester Evening News ayaa sheegaya in maamulka Man City ku kalsoon yihiin in Tababare Pep Guardiola Alexis Sanchez ku qancin doono in uu kooxda ku soo biiro xagaaga.

Xiddigan ayaa si xoogan loola xiriirinayaa in uu xagaaga isaga caraabi doono kooxda Arsenal xilli ay kooxaha chelsea iyo Man City yihiin kooxaha sida xoogan loola xiriirinayo adeegiisa.

Si kasta ha ahaatee maamulka City ayaa ku kalsoon in wada shaqayntii macalin Guardiola ee Alexis Sanchez qayb weyn ka qaadan doonto in uu xiddigan iska diido chelsea kuna biiro kooxda Man City si uu mar kale ula shaqeeyo Tababare Guaridola.

Si kasta Guardiola ayaa aaminsan in ay Kooxda Arsenal ku qanci doonto in ay xiddigan ku fasaxdo lacag dhan 50 Milyan taas oo ah lacagta ay City haatan la taagantahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close