Man United Oo Meel Iska Saartay Middlesbrough, Iyadoo Record Cusub U Dhigtay Premier Leaque-ga+Sawirro

Manchester United ayaa guul loo riyaaqo gaartay iyadoo ku jirta xilli xasaasi ah, waxaana ay heshay shacbiyad balaaran markii ay xajisatay sedex dhibcood oo qiimo badan,waxayna meel dhigtay Middlesbrough ,waxayna guushani Man United ka caawisay in ay ka soo baxdo kaalintii 7 aad ee ay sii quusaysay waxayna u soo booday kaalinta shanaad iyada oo Mourinho uu gaadaal iskaga diray macalinka uu ku maadsado ee Arsene Wenger iyo kooxdiisa Arsenal.

United ayaa gaadhay guul ay kulamadii ugu danbeeyay oo dhan sugaysay waxayna gaadhay guusheedii 600 aad ee horyaalka Premier Leaque-ga waana kooxdii ugu horaysay ee gaadhay rekoodhkan. Marouane Fellaini ,Jesse Lingard iyo Antonio Valencia ayaa saddexda gool u saxiixay Man United si ay u soo hesho saddex dhibcood muhiim ah.

Shayaadiinta cas cas ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay in ay guul ku qasban tahay maadaama oo ay kaalinta 7 aad u dhacday kadib markii ay Everton 4:0 ku xasuuqday Hull City, laakiin sidoo kale kooxda Jose Mourinho ayaa arkaysay fursada ay muddo 105 maalmood ah ku soo dhaafi kartay kaalinta lixaad ee inkaarta ku noqotay waxaana fursad fiican u ahayd in Arsenal ay guuldaro kala soo kulantay West Brom.

liiska ciyaartooyda kooxda ayaa ahaa sidaan:

Middlesbrough: Valdes, Barragan, Bernardo, Gibson, Da Silva, De Roon, Clayton, Leadbitter, Downing, Negredo, Ramirez.

Kaydka: Guzan, Stuani, Fry, Guedioura, Gestede, Forshaw, Traore.

Manchester United: De Gea, Jones, Smalling, Bailly, Valencia, Fellaini, Carrick, Young, Mata, Lingard, Rashford.

Kaydka: Rojo, Martial, Romero, Mkhitaryan, Shaw, Fosu-Mensah, Darmian.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close