Man Utd Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartey Stoke Xili Valencia, Martial & Lukaku Ay Gool Dhaliyeen

Manchester United ayaa u awood sheegatay iyadoo joogta Old Trafford, kooxda kubada cagta Stoke kadib markii ay bilbilishey 3-0, xili ay la dheeleysay kulan ciyaareed Premier League, ka tirsnaaa.

Ciyaartaan oo  guud ahaan kusoo dhmaatey 3-0 oo ay ku badisay Man United ayaa waxaa goolka koowaad udhaliyay Red Devils, Antonio Valencia, daqiiqadii 9aad ee qeybta koowaad.

Kadib goolkaas United ayaa bilowday inay ku xarakoto garoonka, waxayna abuurtey fursado kale, oo ay dooneysay inay ku dhaliso goolal kale.

Daqiiqadii 38aad ayaa waxaa yimid goolkii labaad ee Man United ee kulankaan, waxaana udhaliyey wiilka lagu magacaabo Antony Martial.

Related image

Qeybta koowaad ayaa kusoo dhamaatey 2-0 oo ay leedahay Red Devils.

Markii dib leyskugu soo laabtey United ayaa meesha kasii waday bandhigeeda, waxayna dadaal badan ugashay sidii ay hogaanka usii dheereysan lahayd.

Fursado badan oo halis ah, oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa waxaysan usuura gelin si dhaqsiyaha uu dhinac ku leh hogaanka kulanka.

Daqiiqadii 72aad ee waxaa yimid goolkii sadexaad ee Man United, waxaaan ay ka heshay wiilka lagu magacaabo Lukaku.

Related image

Ugu Dambeyn, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaadey 3-0 oo ay ku badisay kooxda ugu guulaha badan UK.

Guushaan ayaa uga dhigan Manchester United ay sii adkeysatey kaalinteeda labaad, iyadoona hada leh 50 dhibcood, waxayna 12 Buundo ay ujirtaa Manchester City oo kaalinta koowaad ku fadhisa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close