Manchester City Oo 30m La Aadi Doonta Magaalada Roma Si Ay Usoo Qaadato…..

Sida maanta ay daabaceen qaar ka mida wargeeysyada ka ka soo baxa dalka England kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa 30m diyaar la ahay inay ku soo und qaadato daafaca xulka qaranka Germany iyo kooxda Roma Antonio Rüdiger. Macalinka Manchester City Pep Gardiola ayaa la dhacsan daafacàn xoogan waxaana uu rabaa in daafaciisa uu ku xojiyo.

Maamulka Nadiga Manchester City ayaa diyaar la ah lacag dhan 30m inay ka bixiyaan Rüdiger. Rüdiger ayaa kol hore lala xariirinaayay kooxda City waxaana todobaadkaan soo cusboonaaday xiisaha laacibkaan ee Manchester City. Chalsea ayaa mudo dhankeeda lala xariirinaayay kooxda Roma daafaceeda Rüdiger laakiin waxa ay ka gaabsadeen markii laacibkaan uu soo gaaray dhaawac.

Sikastaba Pep Gardiola ayaa u muuqda in uu niyad jab ka qaaday ka haristii Tartanka Champions League ee Kooxdiisa waxaana uu rajeeynaa in xili ciyaareedka danbe uu xoojiyo kooxdiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close