Manchester City oo cadaadiska kusii kordhinaysa kooxda Atletic Madrid

Laacib.so; Sida ay warinayana Wararka kaso baxaya gudaha wadanka Spain Kooxda Manchester City ayaa hada wakiilo u diraysa Kooxda Atletic Madrid kuwaas oo kooxdan kala hadlaya suurtagal nimada in ay kala wareegan Ciyaaryahan Antonio Griezmann

Pepe Guardiola ayaa ku fikiraya helista weeraryahankan halista ah waxa jira kooxda badan oo kula dagaalamaya adeega xidigan kuwaas oo ay ka mid yihiin Chelse iyo Manchester United

Sunday Mirror,ayaa leh waa macquul in xidigan uu iskaga tago kooxdiisa sanadkan waxana u furmi doona albaabada kooxaha u baahan qaadashadiisa ee hada kuwada dagaalamaya,Laakin City ayaa doonaysa in ay badal kaga dhigto Aguero oo ay macquul tahay inuu iskaga tago kooxdan

Dhawaan ayey aheyd markii uu Xidigan kooxda u saxiixay heshiis dhacaya sanadkan 2021,isago kooxdisa u dhaliyay ilaa 50 gool sanadki tagay tartanka horyaalka Spain ee Laliga

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close