Manchester United Oo Cashir U Dhigtay West Ham Xilli Uu Shabaqa Laba Jeer Gaaray Lukaku + Sawiro

Waxaa soo gaban gaboobay kulankii udhaxeeyay Kooxaha Manchester United iyo West Ham, ee ka tirsanaa Horyaalka dalka Ingiriiska, ahaana kulankii ugu horeeyay kadib markii daaha laga rogay Maalinkii ina dhaaftay ee Jimcaha.

Jose Mourinho Maamulaha Naadiga Red Devils ayaa wuxuu garoonka kula soo shir tegay xiddigihiisa waa weyn, isagoona umuuqday mid diyaar u ah inuu qaato guul, anan dooneyn in guul daro dhabarka loo saariyo.

Ciyaarta ayaa waxay lasoo galeen laba naadi dardar xoog leh, waxaan ay muujiyeen inay diyaar uyihiin in midba mid kale, uu soo taabto shabaqiisa, iyadoona darba baaxadda lagu biilabay West Ham.




United ayaa waxaa goolka udaah furay xiddigeeda Lukaku, kaasoo dhaliyay gool aad uqurux badan, wuxuuna goolkaan dhaliyay daqiiqadii 33-aad, ee qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna ahaa mid aad cajiib u ah.

Markii dib leys kugu soo laabtay ayaa waxaa laba macalin ay usoo sheegeen xiddigahooda, inay dadaal dheer ay muujiyaan, waxaana ugu dambeyntii ay ciyaarta kusoo dhamaatay 4-0, oo waxaa la beeyay isla Lukaku, halka uu seddaxeeyay Martial, uuna afareeyay Pogba.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close