Manchester United Oo € 500m Kula Soo Wareegeysa xiddig Barcelona Horay Ugu Soo Cayaaray

Manchester United ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato xiddiga Paris Saint-Germain Neymar, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya France.

Neymar, oo 25 sanno jir ah, ayaa soo gabagabeeyay xirfadiisa Barcelona markii rikoorka adduunka ugu qaalisan oo ahaa 198 milyan oo ginni uga dhaqaaqay kooxda PSG xagaagan.

Neymar waxa uu dhaliyay 20 gool 22 kulan oo uu u saftay kooxda PSG tartamada oo dhan.

Waxaa la fahamsan yahay in Real Madrid ay si aad ah uga fikireyso dalab ay u dirto xiddiga reer Brazil si ay ugu celiyaan Spain, lakiin kooxda ka dhisan La Liga ayaa tartan adag kala kulmeysa United.

Wargeyska Le 10 Sport ayaa ku waramaya in Red Devils ay isku diyaarineyso dalab € 500m ah in ay kula soo wareegto weeraryahankii hore ee Barcelona.

Hase yeeshee, Neymar ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Real Madrid marka la gaaro xagaaga 2017/18, taasoo ah caqabad ay wajihi karto Manchester United.

Ed Woodward ayaa go’aansaday inuu xiddig heer caalami ah keeno United dhamaadka xilli cayaareedka, iyadoo Antoine Griezmann si xoog leh loola xiriirinayo kooxda Manchester United.

Griezmann ayaa qarka u fuulay inuu u saxiixo Red Devils xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ganaaxa suuqa laga saaray Atletico Madrid ayaa keentay inuu sii joogo Spain

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close