Home » England » Manchester United Oo Laga Yaabo Inay Ka Nasiib Badato Arsenal, Man City, Chelsea, Iyo B.Munich, Sidee?

Manchester United Oo Laga Yaabo Inay Ka Nasiib Badato Arsenal, Man City, Chelsea, Iyo B.Munich, Sidee?

Maamulka kooxda Atletico Madrid ay markaan xiiseenaya inay suuqa iska dhigaan gool dhaliyahooda reer France ee Antoine Griezmann, marka uu soo idlaado xili ciyaareedkan, xili laacibkaan ay si weyn u dooneyso kooxda reer England ee Manchester United, sida ay daabacday jariirada The SUN.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu dhaw ee heli karta saxiixa Antoine Griezmann, waxayna ilaa iyo haatan ku raadinayaan saxiixiisa aduun dhan 80 million pounds, waxaana sidoo kale saxiixa saxiixa xidigan ku raad jooga kooxaha Bayern Munich, Paris St Germain, Arsenal, Chelsea, iyo Man City.

Maamulka kooxda  Atletico Madrid ayaa horey isaga soo diiday inay ku badashaan saxiixa Antoine Griezmann dalab qaali ah ay kasoo gudbisay Manchester United, balse Wargeyska “The Sun” ayaa ilaa iyo haatan dareensan in kooxda reer Spain ay dooneyso iibinta Antoine Griezmann.

Si kasta Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa si weyn ula dhacsan qaab ciyaareedka Antoine Griezmann, wuxuuna doonayaa in Old Trafford uu ku wada mideeyo xidiga ay saaxiibada dhaw yihiin ee Paul Pogba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*