Marcelo Oo Kashifay Hadalo Uu Zidane U Sheegay Ciyaartoyda Real Ka Hor Kulanka PSG

Daafacaan reer Brazil, ayaa kamid ah ciyaartoyda uu ku tashanayo caawa Zidane, islamarkaana uu ka rajaynayo inay saameyn weyn ay ku yeeshaan sidii ay uburburin lahaayeen kooxda PSG, oo awooda badan.

Zidane, ayaa ciyaartaan usoo xushay ciyaaryahano waa weyn kuwaasoo kamid kuwa ay ku duusho Madrid, waxaana halkaas ka muuqata in macalinkaan reer France uusan dooneen wax aan guul ahayn.

Wuxuu usheegay ciyaartoydiisa in ay ka fikiraan sidii ay kulankaan safta ay ula dhici lahaayeen wiilasha PSG, islamarkaana ay soo qaataan wax walna oo ka saacidi karta inay labo cad ay kasoo dhigaan kooxda Neymar uu hogaamiyo.

Wuxuu yiri, Marcelo: “Zizou, wuxuu noo sheegay inaan kaliya aan ka fikirno, kulankaan oo aanan wax kale ku mashquulin.

“Wuxuu nagu dhahay waa inaad sameysaa wax walba oo aad ku guuleysan kartaa, aadna soo qaadataa qalabkiina,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Waa inaan isaga raacnaa amarkiisa, oo aan sameynaa wax walba nagu armo, maxaa yeelay waa macalinkeena, waana adheeceynaa,” ayuu Marcelo kusoo gundaanuday hadalkiisa, xili uu la hadlayay warbaahinta.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close