Marcelo Oo Saadaaliyay Kulanka Ay La Balnasan Yihiin PSG Ee UCL Ka Tirsan – Yuu Guusha Siiyay?

Daafacaan dambeedka bidix kaga dheela Real Madrid, ee Marcelo ayaa sheegay in kulanka ay la balansan yihiin PSG, kaasoo Champions League, ka tirsan uu yahay mid uu qof walba sugayo, uuna rajeynayo inuu noqdo mid xiiso leh.

Marcelo, oo sii hadlaya ayaa la weydiiyay hadii ay macquul ay tahay in Neymar oo Barcelona uga biiray fasal ciyaareedkii hore dhigeeda PSG, inuu Real Madrid, kusoo biiro xili aad loola xiriirinayo.

Wuxuu cod dheer ku qaaxay inuu rajeynayo in Neymar uu maalin un imaan doono Los Blancos, islamarkaana uu muuqaal ciyaareed fiican kusoo bandhigi doono garoonka Santiago Bernabeu, ee Magaalada Madrid ku yaala.

“Neymar, waxaan hubaa inuu ku fiicnaan doono halkaan, waaan uu imaan doono Real Madrid, aniga ahaan waa ciyaaryaan weyn, kaasoo udheeli kara Madrid, wuuna imaan doono maalin un,” ayuu Marcelo usheegay Esporte Interativo.

Mar wax laga weydiiyay ciyaarta ay la balansan yihiin PSG, ayuu yiri: “Waxaan umaleynayaa in dunida oo dhan ay sugeyso kulankaan, PSG waxay sameynayaa wax wanagasan, taasoo ucadeyn u ah inay fiican yihiin.

“[PSG] waa koox weyn oo haysata ciyaartoy wanaagsan – Real Madrid, waa koox leh Taariikh wanagasan, waana nala yaqaanaa waxa aan nahay qof walba wuxuu doonayaa inuu arko,” ayuu sii daba dhigay.

Ugu dambeyntii, mar la weydiiyay cida uu guusha u saadaalin lahaa ama ugu cad-cad ayuu ku jawaabay: “Marka hore, labadda koox waa kuwa waa weyn sida aan horey usoo sheegay, laakiin sida uu jecel yahay taageeraheena ayaan jecel nahay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close