Marcelo Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabey Hadii Neymar Ay Si Adag U Raaci Doonaa Kulanka PSG

Daafaca dambeedka bidix uga dheela Real Madrid ee Marcelo, ayaa cod dheer ku sheegay inuu marar badan uu la hadlay Neymar, kaasoo hada ah ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan, xili uu ku fadhiyo 222 Milyan oo Yuuroo.

Neymar, ayaa qiimahaan lagu iibsaday xili ciyaareedkii hore, markaasoo uu Barcelona uga dhaqaaqay dhanka PSG, waxaana uu sidaas uga sara maray ciyaaryahano badan oo ay ugu horeeyaan Pogba iyo Bale.

Sikastaba, Marcelo, oo war-fidiyeenka uwaramayay ka hor kulanka ay PSG kula dheeli doonaa garoonkooda Habeen dambe ayaa daboolka ka qaaday in kooxdiisa aysan bartilmaameed ka dhigan doonin Neymar.

Wuxuu yiri: “Neymar, marar badan waan la hadlay, laakiin kalama aan hadlin wax ku saabsan kubadda cagta.

“[Kulanka aan wajayno] diiradda ma saari doono Neymar, inkastoo uu yahay ciyaaryahan wanaagsan, hadana kooxdiisa oo dhana ayaan beegsan doonaa,” ayuu ku nuux-nuux saday Marcelo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waan ognahay sida uu kulankaan muhiim uleeyahay hadii ay wax dhacaan, waxaan haysanaa lugta labaad ee kulankaan, halkaas ayaana ku sameyn karnaa wax walba.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close