marco verratti oo kusoo biiray liiska ciyaartoyda ku biiri karta kooxda Real madrid

laacib.so; Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa bartilmaameed ka dhiganaya laacibka qadka dhexe ee PSG Marco Verratti.

Shabakada TuttoMercato ayaa baahisay in Zidane uu u weecan doono 23 jirka qadka dhexe u maamula kooxda reer France ee PSG iyo xulka talyaaniga Marco Verratti.

Real Madrid ayaa u muuqata mid ku guul daraysatay saxiixa laacibka reer France ee Paul Pogba, Zidane ayaana u arka badalka laacibkaas xiddiga PSG.

Kooxda reer Spain ayaa ku fashilantay dhamaystirka saxiixa laacibkii kooxda Valencia ee Andre Gomes kaas oo ku biiray Barcelona, sidoo kale waxay ka baxeen tartankii saxiixa Pogba, waxayna haatan u weecdeen dhanka Marco Verratti.

PSG ayaa horay u shaacisay in Marco Verratti uusan iib ahayn maadama uu yahay laf dhabarta kooxda reer France ee sanadaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close