Mario Balotelli oo ku fikiraya arin cajiib ah?

Laacib.so: Ciyaaryahanka Mario Balotelli ayaa durbaba ku riyoonaya hanashada horyaalka Faransiiska isagoo balanqaaday inuu sameyn doono dabaaldeg cajiib ah haddii ay horyaalka ka qaadaan naadiga PSG ee loolanka kula jirta kooxdiisa, NICE oo ah Kooxda horyaalka kula xafiiltameysa ee PSG ayaa haatan mareysa afar kulan oo aan laga badinin ka dib markiii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedka waxaana ay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda Balotelli uu u ciyaaro ee Nice loo yaqaano.

Dhanka Taariikhda hadii aan eegno Naadiga Nice markii ugu danbeysay ee ay horyaalka ku guuleysato waxa ay aheyd 1959kii, inkastoo dadka badankiis ay filanayaan in PSG ay marka horyaalka qaado hadana waxa ay u baahan yihiin kaliya inay Leicester City dhiirogelin ka dhigtaan horyaalkii hore e dhamaaday Premier league-ga.

Ciyaartooyda Nice ayaa si lama filaan ah xilli ciyaareedkan uga dhex muuqata horyaalka Ligue 1 iyagoo hogaanka ku haya 29 dhibcood ka dib 12 kulan oo la ciyaaray, waxaana ay uga mahadcelinayaan Mario Balotelli oo lix gool horyaalka ka dhaliyay xilli ciyaareedkan haatan socda.

Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aan ku guuleysano horyaalka, waxaan soo kireysan doonaa helikobtar waxaana dulmarin doonaa magaalada Nice” ayuu Balotelli u sheegay Mediaset Premium oo aad uga faaloota arimaha ciyaaraha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close