Massimiliano Allegri oo ogolaaday inuu noqdo Macalinka cusub ee Chelsea

Macalin Antonio Conte ayaa xili cayaareedkii hore horyaalka u gacan galiyay kooxda Chelsea, balse wuxuu ku fashilmay xili cayaareed kaan inuu tartan la galo kooxda macalin Pep Guardiola oo haatan ka horaysa 16-dhibic.

Laakiin kooxda kubada cagta Juventus ayaan ogolaan doonin in Massimiliano Allegri uu ka tago kooxda dhamaadka xili cayaareed kaan.

Massimiliano Allegri ayaa kula jira Naadiga Juventus heshiis dhacaya 2020, kooxda ayaa doonaysa inay sii haysato 50 jirka reer talyaaniga

Isku dhac badan ayaa dhex maray maamulka Chelsea iyo tAntonio Conte, balse milkiilaha kooxda ayaa ugu danbayntii go’aansaday inuu iska diro tababaraha dalka  talyaaniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close