Mata Oo Fariin Usoo Diray Kooxdiisii Hore Ee Chelsea Kadib Ku Guuleysiga Horyaalka PL

Laacibkii hore ee Kooxda Chelsea iyo Xulka Qaranka Spain ayaa waxa uu fariin usoo diray Saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin ee Chelsea kadib markii ay xaqiijiyeen ku guuleysiga Horyaalka Premier League.

Juan Mata ayaa waxa uu waayo wacan kusoo qaatay magaalada London kooxda k dhisan ee Chelsea waxa uuna kula guuleystay Koobab ay kamid taahy Champions League iyo Tartanka FA Cap.

Mata ayaa waxa uu ugu hambalyeeyay u guuleysiga Horyaalka wadanka Ingiriiska isagoona urajeeyay in ay koobab kale ay u guuleystaan, waxa uuna hadalkiisa raaciyay in uu aad ugu farxay markii uu maqlay in Blues ay qaaday Horyaalka UK.

Sikastaba ha ahaatee, Kubada sameeyaha Xulka Spain ayaa waxa uu ka tagay garoonka Chelsea ee Stamford Bridge sanadkii2014-ka kadib markii ay dibaato ku noqotay inuu boos joogto ah ka hello kooxda uu xilligaa hogaaminayay Jose Mourinho.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close