Mata Oo Wax Laga Weydiiyey Mustaqbalkiisa Man Utd, Hadii Uu Baxayo & Hamigiisa 2018

Ciyaaryahankaan oo Manchester United, uga soo biiray Chelsea, sanad ciyaareedkii 2014, markaasoo uu ku yimid aduun dhan 39 Malyuun ayaa wuxuu islamarkiiba ka noqdey mid aad muhiim ah.

Isagoo wareysi siinayay Majalada Marca ee kasoo baxda wadanka Spain ayaa waxaa la su’aalay mustaqalkiisa Man United, hamigiisa sanadka 2018 iyo waxa uu doonayo inuu kula guuleysto Kooxda UK ugu guulaha badan.

Mata ayaa wuxuu ugu laab-qaboojiyey Jamaahiirta Manchester United, in uusan dooneen inuu ka tago Old Trafford inkastoo uu ka dhacayo heshiiskiisa sanadka soo aadan, walina uusan heshiis cusub saxiixin

Wuxuu yiri: “Inaan si caafimaad leh iyo inaan si ilqabad leh ugu dheelo Manchester United, ayaa rajeynayaa sanadka 2018 iyo mustaqbalka.

Wuxuu raaciyey: “Waan ognahay in xagaagan aanan meel fiican ka joojin shaxda kala horeynta, laakiin waan dagaalameynaa illaa iyo dhamaadka.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu sii daba dhigey: “Premier League, waa mid la qaban karno mar walba, waxaana rabaa inaan kula guuleyso mustaqbalka [Man United].

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close