Maxa Arsenal daba dhigay dhawac? Mustafi oo dhawac uu soo garay

Laacib.so: Arsenal ayaa la kulmaysa dhibaato kale markii la shaaciyay in saxiixoda cusub ee Shkordran mustafi oo dhaawac soo gaaray ciyaar lagu sagootinayay kabtankodii ugu danbeyay Bastian Schweinsteiger

Daafacaan dhexe ayaa dhaawac uga baxay bilowgii qeybta labaad ciyaarta xalay xulka jarmalka ay 2-0 ku garaaceen Finland markii uu dareemay xanuun dhanka canqawga ah, balse taas kuma hagin in ciyarta laga saaro.

Warar dheeraad ah kama soo bixin dhaawaca Mustafi, waxaase la filayaa in xiriirka kubadda cagta Jarmalka ay war kasoo saaraan dhaawaciisa – hadii uu seegayo kulanka isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada yurub oo ay la ciyaari doonaan talaadada wadanka Norway.

Mustafi ayaa la rajeynayay inuu Gunners ka caawiyo dhibatada daafac isla markaana uu bah wadaag dhexe la noqdo Laurent Koscielny, balse warka kasoo baxa dhaawaciisa ayaa laga war sugi doonaa saacadaha soo socda.

Related Articles

4 thoughts on “Maxa Arsenal daba dhigay dhawac? Mustafi oo dhawac uu soo garay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close