Home » Featured » Maxaa Ka Jira In Gerrard Uu Dib Ugu Soo Laaban Doono Liverpool?

Maxaa Ka Jira In Gerrard Uu Dib Ugu Soo Laaban Doono Liverpool?

Laacibkii hore ee Kooxda Liverpool ayaa waxa uu ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo aheyd in uu dib ugu soo laaban doono Kooxdiisii uu waayaha quruxda badan kusoo qaatay ee Reds, xilli uu biloolin ka hor macsalaameeyay.

Steven Gerrard, Kabtankii hore ee Kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in uu dib uxeran doono fanaanadda Kooxdaan, waxa uuna sheegay in uu jecel yahay in uu ka hoos ciyaaro Maamulaha haatan ee Liverpool Mr Jurgen Klopp.

“Liverpool waxaa jooga jamaahiir cajiib ah, waxa aana kusoo qaatay magaalada Liverpool maalmo mudan in aad loo xuso, waxaana rumeysanahay in ay tahay kooxdii aan magacaab ku sameeyay, waxaana kusoo laaban doonaa.”

Bisha soo socota, ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Liverpool ay ka dhacdo kulan ciyaareed ay wadda dheeli doonaan Xiddigihii hore ee Reds, kaa oo ay ka qeyb galli doonaan Laacibiinta Jamie Carragher, Daniel Agger iyo Steve McManaman.

Gerrard

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*