Maxaa Ka Jira In Kooxda Man United Ay lumisay badalka rasmiga ee Carrick?

Real Madrid ciyaaryahaanka khadka dhaxe ugu ciyaara Toni Kroos ayaa noqon lahaa badalka ugu fiican ee Michael Carrick, Sidaasi waxaa qaba Rio Ferdinand. Daafacii hore ee Manchester United ayaa qoraal ahaan ugu qoray hadalkaani The Times, Laakiin Ferdinand ayaa qirtay inee adagtahay xidigaan heerka caalami ee dalka Jarmani in uu katago Bernabue.

Waxay ahayd markii lasoo warinayay bil kahor in kooxda Old Trafford ay xiiso u qabto 27sano jirkaan, Toni ayaa ku dhawaaday Old Trafford inuu cago dhigto xiligii David Moyes uu halkaasi ka’ahaa macallin. Ferdinad ayaa aamisan dhibka ugu weyn ee haysat United xilligan in uu yahay booska Carrick oo aan ilgaar ah loo yeelan sidii lagu buuxin lahaa.

Si kasta Kroos iyo Carric ayaa waxyaabo badan iska shabaha waxayna taageerayaasha United dhowr jeer ku dhawaqeen baahida ay u qabaan heliska xiddigan ku guuleystay koobka dunida 2014.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close