Maxaa ka taqaana xidigaha Soomaalida kabaha ay jacelyihiin iney ku labistan iyo midabkooda.

Marka aan joogno caalamka, inta badan xiddigaha waxa ay xiiseeyaan kabo qaas ah, sidoo kale ciyaartooyda Soomaalida ayaa lamid ah kuwa caalamka.

Haddii aan xilli hore idin soo gudbinay xiddigaha Soomaalida iyo cunnooyinka ay isticmaalaan qoysaskooda iyo waxa ay la qabtaan, maanta waxa aan idin soo gudbinaynaa qaar kamid ah xiddigaha Soomaalida ugu caansan iyo kaba ay jecel yihiin in ay xirtaan, annagoo ku salaynayna kuwa labbiska.

Qof walba iyo dooqiisa, ragga iyo labbiska, xiddigaha iyo iska gadka hablaha, waxaan diiradda ku saari doonaa maqaalkan ciyaartooyda Soomaalida iyo sida ay kaba u isticmaalaan, annagoo kasoo qaadan doona kuwa ugu mudnaanta badan xiddigaheena.

Warbixintan ayaan kaga hadli doona kabaha nuuca ay jecelyahiin iney ku labistaan iyo Lambarka ay ka qaatan kabaha xidigaha dalkena Soomaaliya.

Sheekeda koowad waxeey taaban doonta.

1-Jabriil Xasan Fariid waa kabtanka hogaamiya kooxda Heegan wuxuu jacelyahay inuu ku labisto kabo bood ah nuucooda uu yahay Madow isago qaata kabo Lambarkooda yahay 43.

2- C/Kariin Qubaaye waa xidig ka tirsan Naadiga Heegan wuxuu jeclyahay inuu xirto marka uu magaalada aadayo calaashan marku uu u socdo xaflada ama bashaal Kabo bood ah uu nuucooda uu yahay gaduud oo Nike ah lambarka uu ka qaato kabaha labiska waa 41.

3-Wardi Xasan waa laacib ka tirsan kooxda Elman Fc wuxuu mar walba uu jecelyahay inuu ku socdo kabo bood oo adidas ah nuucoda uu yahay kafey Lambarka uu ka xirto waa 41.

4-Daadir Aamiin Cali (Daada) waa hor joogaha kooxda Banadir Sports isagana wuxuu jecelyahay inuu ku xarakeeyo kabo bood oo nuucoda uu yahay Buluug kuwaas oo ah Nike lambarka uu qaato waa 41.

5- Deeq Cabdulaahi nuur (Aaryo) waa xidig u diiwan gashay kooxda Banadir waana mid kamid ah xidigaha ugu Stylka wanaagsan dalka wuxuuna jecelyahay inuu xirto kabo bood ah oo nuucoda yahay Adidas kuwaso midib ahaan u eg Madow lambarka uu gashto waa 43.

6-CabdiCasiis Catoosh waa xirfadle ka tirsan kooxda Heegan wxuu had iyo jeer jacelyahay inuu ku labisto kabo bood ee Classic Shoes kuwaaso badi lagu xirto suudka nuuca uu xirto waa Madow Ama Black lambarka uu qaato waa 39.

7- Ibraahim Cali Yaxye (Alosh)waa Ciyaaryahan qeyb ka ah kooxda Horseed wuxuu had iyo jeer uu ku labista kabo Nike ah midabkooda uu yahay madow wuxuu qaata kabo lambarkooda uu yahay 42.

8-Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) Waa Laacibka kooxda Horseed isaga mar walba wuxuu jacelyahay inuu xirto uu wadada uu ku maro kabaha lagu magaacbo Air maxes Nuucooda uu yahay Cadaan ama White Lambarka uu xirto waa 42.

9-Xasan Cabdi Nuur Geesey(Xasaasi) waa xidig jacel inuu ku xarakooda kabo bood ah uu Classic shoes midabkooda uu yahay Madow wuxuuna xirta lambarka 41.

10- Axmed Xasan Macaani waa xidige hore kooxda Dekedda isago wali uusan ku biiren koox kale wuxuu had iyo jeer xiiseya inuu ku labisto kabo nuucodo uu yahay Madow kuwaaso ah Nike lambarka uu xirto waa 41.

Badi ciyaartoyda waxey jacelyihiin ineey ku labistan kaba nuucodo uu yahay Adidas iyo Nike markii aan soo xog baarnay.

W/Q: cabdifitaaxnani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close