Maxaa kala Socotaa Xilliga rasmiga ee uu furmi doono horyaalka kubada Cagta Soomaaliya

Xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa lagu wadaa inuu 22 January ee bishan oo ku began maalin Isniin ah
Uu si rasmi daah rago horyaalka Somali Premier League 2018-2019 oo intiisa badan lagu aiyaaridoono gegida Banaadir ee degmada C/Casiis ee Gobalka Banaadir

Qorshaha horyaalka ayaa ahaa in la dheelo Bishii tagtay December ee Sanadkii dhamaaday 2017,balse waxaa dib loogu dhigay tartankii kubbadda cagta Maaamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir oo hanteyn kooxda kubbadda cagta Dowlad-Goboleedka Jubaland

Horyaalka heerka kowaad sanad cayaareedkii Tagay 2016-2017 waxaa 19-sano ka dib hantay kooxda kubbadda cagta Dekedda waxaana u qaadat tababarihii hore naadiga Elman Yuusuf Cali (Yuu Cali)

Qeybta hoose waxaa u dhacay kooxaha Bariga Dhexe iyo Muqdisho United,waxaase booskooda badalay oo Somali Premier League usoo dalacay kooxaha FC Banaadir iyo Savanna,FC Banaadir waa kooxda xafidnaysa horyaalka heerka labaad waxaana hogaaminaya Maxamed Abuukar oo degmada Waaberi u qaaday tartankii Degmooyinka 2017,wxuuna la dhashay daafaca kooxda Heegan C/Kariim Boqori

Warar hordhaca ee laga helaayo xafiiska warbaahinta xiririka kubbadda cagta ayaa sheegaya in xafladda qori tuurka horyaalka iyo arimo kale ku aadan sanad ciyaareedka 2018-2019 in 48-saac soo aadan loo soo bandhigidoono warbaahinta iyo taageerayaasha kooxaha kala duwan ee dalka

Horyaalka Somali Premier League kol cayaareedkan waxaa maal gelinaya bandhiga Premier Bank,isagoo markaan usoo jeestay horomarinta arimaha bulshada gaar ahaan cayaaraha kala duwan ee dalka

W/Q:maxamed xuseen qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close