Maxay tahay sabab Jurgen Klopp inuu u ogolaado Philippe Coutinho inuu ku biiro Barcelona

Macalinka kooxda kubada cagta  Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay inay khasab ku noqotay inuu u ogolaado Philippe Coutinho inuu ku biiro kooxda Barcelona toddobaadkii hore, kaddib markii kooxdiisa loo shubay 142 milyan oo Gini.

Coutinho oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa u sheegay kooxdiisa inuu diinayo in loo ogolaado inuu ku biiro Barcelona oo ahayd koox uu ku riyoon jiray, waxaase bishii July gaashaanka ku dhuftay maamulka kooxda oo ku khasbay inuu sii joogo, hase yeeshee, markii uu furmay suuqa J ayaa waxa uu Coutinho dalbaday in haddana la iibiyo, taas oo uu tababare Klopp sheegay in ay ku khasbanaadeen inay u yeelaan.

“Wax kale oo noo bannaanaa ma jirin. Anigu waxaan ogaa in arrintani mar kale dhacayso marka suuqu uu furmo, waxaanay nagu soo noqotay iyadoo xoog badan. Way nagu adkaatay in halkii hore aanu taagnaano.” Sidaas ayuu yidhi tababare Klopp.

Waxa uu macallinka xamaasadda badan sheegay in cayaartoy qalbigiisu u jeedo koox kale ay adag tahay in lagu hayo kooxda, haddii taa la sameeyona aanu wax faa’iido ah soo kordhinaynin.

Dhinaca kale, tababare Jurgen Klopp waxa uu sheegay in Liverpool aanay fasixi doonin Daniel Sturridge oo 28 jir ah, hase yeeshee wehel u noqday dhaawacyo soo noqnoqday oo wakhtigii uu garoomada wacdaraha ka dhigi lahaa sariirta jiifiyey.

Weeraryahanka u dhashay Ingiriisku waxa uu Liverpool u saftay shan kulan oo kaliya, waxaana lala xidhiidhinayaa inuu ku biirayo kooxaha Southampton iyo West Ham, hase yeeshee, Klopp oo warbaahintu wax ka weydiisay ayaa yidhi sidan: “Waa qayb ka mid ah suuqa, wax aan ka idhaahdona garan maayo. Waynu arki doonaa illaa 31-ka JJanuary oo laga yaabo inay waxyaabo badan oo aan ku koobnayn Daniel oo kaliya ay dhacaan.”

Liverpool waxay ku jirtaa kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay Axadda la ballansan tahay Manchester City oo hoggaanka haysa. Haddii ay ka badiso, waxay heli doontaa niyad iyo dhiirigelin hor leh oo ay ugu loollanto kaalmaha ka sarreeya, haddiise laga badiyo, waxa suurtogal ah in niyad jab ku yimaaddo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close