Mertesacker oo soo gaaray dhaawac halis ah, imisa ayuu maqnaan karaa?

Kooxda Arsenal ayaa dhibaato wajaheysa markii dhaawac jillibka uu haleelay daafacdooda reer Jarmal ee Per Mertesacker.

Xiddigan ayaa la shaaciyay in uu soo gaaray dhaawac jillibka ah taasoo ka dhigeysa in muddo fog uu garoomada ka maqnaan doono.

Wargeysyada Ingiriis-ka ayaa sheegaya in daafaca reer Jarmal uu garoomada ka maqnaan doono muddo shan billood ah, taasoo dhibku ah Arsenal.

Xiddigan ayaa laga reebay liiska ciyaaryahanada Arsenal ee u safartay Mareykanka si ay ugu soo ciyaaraan kulamada diyaar garoowga.

Sikastaba Arsenal ayaa inta badan waxaa halleelo dhaawacyo halis ah,iyadoo xilli ciyareedkii aynu soo dhaafnay weysay xiddigo muhiim ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close