Messi Oo Kashifay Sababta Loo Fariisiyay Ciyaarihii U Dambeeyay & Hadii Uu Ku Faraxsan Yahay

Laacibka lamberka 10-aad uqaata Barcelona ee Lionel Messi, ayaa waxa uu qiray inuu yahay mid da’diisu ay saro ukacday sidaas darteeda, uusan mar walba ahayn mid dheeli kara, kulamo badan, sida uu horey usameyn jiray.

Xidigaan ayaa waxaa uu keydka kasoo muuqday labadii kulan ee ugu dambeysay ee Champions League, kuwaasoo kala ahaa:- ciyaartii Juventus iyo tii Sporting Lisbon, waxaana uu sheegay inuu ku farax san yahay arinkaas.

Isagoo la hadlayay Shabakada TyC Sports, ayaa waxa uu sheegay Messi, inuu diyaar uyahay inuu u hogaansamo amarka macalin Barcelona, ee Ernesto Valverde, kaasoo ah in mararka qaar la nasiyo.

Wuxuu yiri: “Waxaan ogaaday in xili ciyaareedka uu yahay mid aad udheer, sidaas darteeda mararka qaarkood waxa adag inaan dheelo kulan kasta, sababtoo ah jirkeyga ayaa ah mid aanan awoodin arinkaas.

Wuxuu raaciyay: “Waxaan yaqiin-sanahay in mararka qaarkood aanan awoodin inaan udheelo sida ugu wanaagsan – Sikataba hadalka Messi, ayaa waxa uu muujinayaa in wiilkaan uu hoos udhac uu ku imaan rabo.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close