Messi Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Hadii Uu Ka Tagauo Barca

Lionel Messi, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in hadii uu ka tagayo Barcelona, oo ka dhisan wadanka Spain, uusan ku biiri doonin koox kale, oo ka dheesha horyaalada waa weyn ee qaarada Yurub.

Xidigaan oo wareysi siinayay Muuq-baahiye, laga leeyahay wadanka Spain, ayaa waxa uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid uu marar badan sheegay uuna wali ku taagan, wuxuuna balanqaaday in uusan ka laaban doonin.

Leo ayaa waxa uu ku nuux nuux saday in koox aan ahay Newell’s Boys, oo ah kooxdii uu kubada cagta kasoo bilaabay uu dib ugu laaban doono, hadii uuba ka tagayo camaaliqada horyaalka wadanka Spain.

Wuxuu yiri: “Waxa aan sheegay marar badan, riyadeedu, waa inaan ku laabtaa Newell’s Boys, meel aan ahayn halkaas ma aadi doono, waxaana filayaa inay tahay meeshii aan kasoo bilaaaby kubada cagta, waana ku farax sanahay arinkaas.

Wuxuu sii raaciyay: “Waxaan halkaas ku leeyhaay qoys, waxaana iijooga caruur badan kadib waxa aan doonayaa inaan halkaas aan ku barbaariyo, waxaana kula raaxeysan doonaa si ay ku jirto nabad-gelyo.

Leo Messi, ayaa waxa uu dhawaan saxiixay heshiis cusub, kaasoo ku kacaya afar sano, waxaana sheekadaas ay soo gaba gabeysay hadalheyn ku aadan inuu ka tagayo Barcelona, bisha Janaayo ee sanadka  dambe.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close