Michael Ballack Oo Sheegay Sababta Mesut Ozil Uu U Diidan Yahay Heshiis Kordhinta Arsenal ,Maxay Tahay?

Laacibka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Ozil Mustaqbalkiisa ayaa noqon doona mid meel ka raaraca ilaa iyo inta Arsene Wenger uu xaqiijinayo haddii uu sii joogayo kooxda iyo haddii kale, sidaasi waxaa sheegay Michael Ballack.Mustaqbalka kubadsameeyaha Gunners ayaa su’aallaga keenayay mudooyinkii u danbeysay iyadoo qandaraaskiisa ay uga harsan tahay in ka yar 18 bilood.

Ozil ayaan weli go’aansanin haddii uu qalinka ku duugayo heshiis cusub, isaga iyo xiddiga ay iska garab ciyaaraan Alexis Sanchez iyo tababaraha Arsenal Wenger.Xiddigii hore ee Jarmalka ayaa aaminsan in Ozil uu sugayo in la kala cadeeyo mustaqbalka tababaraha Faransiiska kaasoo Gunners oo hogaaminayay muddo 20 sannadood ah.

Black oo la hadlyaay Sky Sports ayaa yiri: “Ma jiraan kooxo badan oo uu aadi karo haatan ama awoodi kara dhaqaale ahaan. Waxaan qabaa inuu u baahan yahay inuu dareemo inuu ku qanacsan yahay go’aanka uu qaato. Laakiin waxa ay sidoo kale ku xirnaan doontaa waxa uu sameeyo Arsene Wenger, madaama ay xiriir fiican leeyihiin, malahana waa sababta uu weli u sugayo inuu qandaraas cusub saxiixo.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close