“miya dib ugu noqonaya Juventus bishii January? Morata oo beeniyay hadalka ah in uu dib ugu laabanyo kooxda Juvantus

Laacib.so; Alvaro Morata ayaa weli jeceyl kooxda Juventus laakiin waxa uu sheegay in uu ku laabto kooxda heysata horyaalka Serie A bisha January ay tahay “wax aan macquul aheyn”.
Real Madrid ayaa dib usoo ceshatay xidiga wadanka Spain xili ciyaaredkan, kadib guulo uu ku qaatay Turin .

Morata ayaa dhaliyay labo gool 10 kulan uu u saftay kooxda Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu ku bilowday qeybtii hore hal kulan oo kaliya .

23-sano jirkaan ayaa dib ugu laabanaya Juventus Stadium Khamiista kulan ka tirsan isreebreebka koobka adduunka , Spain ayaa u baahan in ay ka aargudato Italy makii ay ku kulmeen wareega 16 ee tartanka Euro 2016

“miya dib ugu noqonaya Juventus bishii January? Waa markii ugu horeysay ee aan maqlay warkan,” ayuu u sheegay Gazetta dello Sport.

“Waa wax aan lagu fekeri karin. Waxaan ahay Madrid. Taas oo aan u sheegay, waxaa cad in aan rajaynayo in Juve ay mar walba ku guuleysto wax walba oo ay ciyaarayaan . Laakiin uma maleynayo inaan soo noqon dono.

“Waa dareen aad u weyn in aan dib u noqday – dhab ahaantii waxaan doonayaa in aan ka ciyaaro Turin oo haddii aan daqiiqad firaaqada ahay in aan tago magaalada.

“Waa gurigayga labaad, waxaan helay jacaylka Italy had iyo jeer waan ku fikirayay . Marka guriga laga tago waa gurigayga Talyaani.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close