Miyuu Yaya Toure Xilli Ciyaareedkan Ka Tagi Doonaa Garoonka Etihad Stadium?

Ciyaaryahanka xooga badan ee wadanka Ivory Cost ee qaaradda Afrika ayaa waxa mudooyinkii dambe ka hadal yay inuu ka tagi doono kooxdiisa xilli ciyaareedka uuna udhaqaaqi doono Horyaaladda kale ee isla qaaradda Yurub.

Majaladda Mail Sport ee wadanka Ingiriiska kasoo baxda ayaa sheegay in Yaya uu doonayo inuu sii joogo kooxda City, islamarkaana uu kusii nagaa doono xilli ciyaareedkan kooxda kaalinka seddexaad ku dhameystay Xagaagan PL.

Waxa ay intaas ku dartay Jareeradda in haatan ay soconayaa wada hadallo udhaxeeya kooxda iyo Laacibkaan, islamarkaana uu garwadeen ka yahay Wakiilka Xiddigaan 36-sano jirka ah.

Dhanka Kale, Maamulaha Kooxda City ninka wadanka Spain udhashay ee Pep Guardiola ayaa waxa ay sheegeysaa in uu xiddigaan kala hadlay Mustaqbalkiisa uuna usheegay inuu doonayo inuu sii joogo Etihad Stadium.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close