Mo Farah oo Score cajiib ah dhigay Kadib Markii uu ku xalay ku guuleystay…

Ciyaaryahanka u dhashay wadanka soomaaliya dhalashada Wadanka ingiriiskana heysta ee Mo Farah ayaa sameeyay markale taariikh kadib markii uu xalay ku guuleystey markiisii afaraad oo isku xigta orodka dheer ee Great North Run ee wadanka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa ka dheereeyay orodyahan Jake Robertson ee ka soo jeeda dalka New Zealand waxana uu ku orday hal saac iyo lix il biriqsi tartankii xalay, Mo Farah oo bishii aynu ka soo gudubnay loogaga guuleystey billada dahabka ee orodka 5,000 tartan lagu qabtay magaalada Zurich balse galay kaalinta labaad ayaa markale soo bandhigay astaanta uu caanka ku yahay ee Mobot kadib markii uu ka gudbay diilinta ugu dambeysa ee tartanka ka dhacay NewCastle dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Robertson ayaa lix ilbiriqsi oo kaliya ka dambeeyay Mo Farah halka uu kaalinta 3aad galay orodyahanka Feyisa Lilesa ee dalka Ethiopia u dhashay,Mo Farah oo la hadlay xalay saxaafada kadib markii uu soo dhamaaday tartanka.

DAAWO MUUQAALKA

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close