Mohamed Salah oo Tijaabo Caafimaad u mari doono kooxda Liverpool

Laacibka dalka Masaraarida ee Naadiga kubada cagta Roma Mohamed Salah ayaa lasheegayaa in lasoo gaba gabeeyey heshiis uu ugu biirayo kooxda Liverpool ee dalka England.

Xidiga mohamed Salah ayaa lasheegayaa in uu Maalinta Talaadada ah soo gaari doono Kooxda Liverpool halkaas oo uu ugu mari doono Tijaabo caafimaad uguna Saxiixi doono heshiiska uu ugu dheeli doono garoonka Anfield.

Wargeyska Daily football ayaa daabacay in Wakiilka Mohamed Salah Ramy Abbas,uu London kula kulmay Madaxda kooxda Liverpool waxayna isku afgarteen in laacibkaas ay ku iibsadaan aduun lacageed gaaraya £39 million sidoo kalana Roma ayaa aqbashay in ay iska iibiyaan Xidigii hore ee Chelsea Mohamed Salah kaas oo dib ugu laaban doona Horyaalka dalka Ingiriiska.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close