Morata Oo Farta Ku Fiiqay Shan Xidig Oo Uu Ka Joogi Waayay Real – CR7 Ayaa Hogaaminaya!!

Weerar-yahanka Chelsea, ee Alvaro Morata, oo ka sheekeynayay qaabkii uu ku aaday Juventus ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Real, uusana Chelsea uga soo dhaqaaqin ayaa eedeeyay, Cristiano, Benzema, Jesé iyo Bale.

Wuxuu tilmaamay in muuqaal ciyaareedka Shantaan ciyaaryahan ay ku qasabtay inuu ka tago Madrid, maadaama sida uu sheegay uu isaga rabay inu helo boos joogta ah, oo uu ku metalo kooxdiisa Cad Cadka.

Ugu Dambeyn, wiilkaan reer Spain ayaa si amaah ku aaday Juventus, oo dalka Talyaaniga ka dhisan, isagoona kusoo qaatay xili ciyaareedyo fiican halkaasoo uu kusoo bandhiga kubad ku qasabtay Los Blancos inay dib usoo ceshato.

“Waxaan ubaxay, sababtoo ah, Cristiano, Benzema, Jesé iyo Bale dhamaan-tooda waa ay dheelayeen, waxaana haystay Lix dookh, waxaaan aadi rabay [kooxda] Wolfsburg, laakiin Juve ayaa timid oo isheegtay inay raboto,” ayuu yiri Morata.

“Dadka waa ay waalan yihiin, waxay dhahayeen maxaa u aadi weyday Getafe ama Villarreal, maxaa yeelay Juventus, weerar yahano fiican ayay kensatay, laakiin waxaan wada tagtay Final-ka Champions League,” ayuu sii daba dhigay.

“Sanadkii xigay, waxaan helay dookh inaan kusoo laabto Real, waxaana la kula dheelay gurigeyga, saaxiibo badan, kooxdeyda, waxaana kula guuleystay Horyaal iyo Champions League,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Ma aanan weydiisan inaan kusoo bilowdo, laakiin ma aanan dheelin kulamada bug-baxa ee Champions League, midkoodna Barcelona, Atlético, Sevilla, ama xitaa Valencia,” ayuu cod dheer ku yiri Morata.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa, Gooldhaliyaha Chelsea iyo qaranka Spain ee Alvaro Morata: “Nolasha ma laha dhamaad, waana kasoo tagay Real Madrid, laakiin wali waxaan ahay taageere Real Madrid ah.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close