Morata Oo Ka Hadlay Hadii Xiriirka Kala Dhaxeeya Macalin Mourinho Uu Wanaagsan Yahay

Weerar yahanka Chelsea ee Alvaro Marata ayaa amaan ugu qubeeyay hogaamiyaha Manchester United ee Jose Mourinho, kaasoo ay kasoo wada shaqeeyeen Boqorada horyaalka dalka Spain ee Real Madrid.

Morata ayaa sheegay in Mourinho, uu yahay mid fursad badan siiya ciyaartoyda dhalinyarada ah, islamarkaana uu amaan badan hayo markii ay wada joogeen naadiga ka dhisan caasimada dalka Spain ee Madrid.

Wuxuu daboolka ka qaaday in markii ay kuwada kulmeen uu usheegay in hadii uu doonayo inuu saameyn badan ku yeesho kooxdiisa ay waajib ku tahay inuu ushaqeeyo sida duwan sidii hore.

Wuxuu yiri: “Waa mid dhibci ahaan aad u wanaagsan, wuxuuna ka helaa ciyaartoyda dhalinyaradda ah, maxaa yeelay wuxuu ogyahay inay yihiin kuwa mustaqbalka wax-tarka yeelan doona.

“Markii aan kuwada kulanay Madrid, oo uu isiiyay heshiis weyn, wuxuu ii sheegay inay waajib iigu tahay inaan ushaqeeyo si ka adag sidii hore aan usoo shaqeyn jiray, waana macalin wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku darya.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Dhamaan ciyaartoyda dhalinyarada ah ee Madrid joogtay markii uu isag ahaan macalinka, waxay ahaayeen kuwa aad ujecel isaga, maxaa yeelay wuxuu siin jiray fursad ay isku muujiyaan wuxuu yahay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close