Mourinho Kooxaha qaarada yurub oo dhan Way naga Cabsanayaan

Tababaraha kooxda kubada Cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in dhamaan kooxaha iskugu soo hadhay tartanka Champions League wareegga 16-ka ay ka baqayaan kooxdiisa.

Manchester United oo 2-1 kaga adkaatay CSKA Moscow Talaaladii ayey kooxdiisu kaalinta koowaad kaga soo baxday Group A, ayaa waxay sugaysaa in maalinta Jimcaha ay isku aadka wareegga 16-ka ka qaaddo nasiibkeeda iyo kooxda ay ku baxayso.

Man United ayaa dooneysa markeedii ugu horreeyey ka gudubto wareegga 16ka tan iyo 2014 markaas oo David Moyes uu tababare ka ahaa kooxda.

Jose Mourinho oo warbaahinta la hadlay markii ay dhamaatay cayaartii CSKA Moscow, ayaa waxa uu yiri : “Mush kilad naguma aha kooxda aanu ku beegmi doono, waxaanse ogahay in aanan nasiib fiican ku lahayn isku aadka, waxaana ii wanaagsan in aan iska aamuso oo aan illoobo, sababtoo ah bisha February ayaa la cayaari doonaa. Inta ka horreysa waa inaan diiradda saaro tartamada dalka Ingiriiska.” Sidaas ayuu yiri Mourinho.

Mourinho waxa uu xusay in kooxaha ku beegma marka isku aadka la sameeyo ay na nixi doonaan, waxaanu yidhi Waxay ila tahay in kooxaha aanay farxad la boodboodi doonin markay nala cayaarayso, aniguna waxaan ku faraxsanahay in kooxdaydu cayaar tayo leh ugu soo baxdo wareegga 16-ka.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close