Mourinho Oo Ka Tegi Doono United Hadii Aanan Loo Sameyn Halkaan Arin: The Sun Ayaa Baahisay

Macalinka Kooxda kubada cagta Manchester United ayaa wuxuu gabi ahaanba uu faarujin doonaan Garoonka Old Trafford, marka uu dhamaado qandaraaskiisa kaasoo ku eg, gaba gabada fasal ciyaareedkan.

Jose ayaa waxaa lagu waramayaa in Red Devils ay shaacisay inay ku abaalmarineyso heshiis cusub, kaasoo kusii joogayo Kooxdaan waxaana la sheegaa inuu ku kacayo shan sano oo qandaraas ah.

Majalada The Sun, oo kasoo baxda dalka Ingiriiska, gaar ahaan London ayaa waxay sheegeysaa in Mourinho uu codsan doono hadii uu saxiixayo qandaraaskaas aduun dhan 65 Malyuun, taasoo uu mushaar ahaan uqaadan doono.

The Sun, ayaa hadalkeeda waxay kusii dareysaa in tababarahaan udhashay Portugal, hadii uusan helin lacagtaas, uu ka tegi doono Man Utd, islamarkaana uusan saxiixi doono heshiis cusub, uu ku joogayo naadigaan.

Mourinho ayaa waxaa loo dhiibay shaqada United, sanadkii lasoo dhafaay, wuxuuna kula guuleystay laba koob isla sanadkii ugu horeeyay, taasoo soo dadajisay inay abaalmariyaan Maamulka Shayaadiinta Cas Cas.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close